Aroosadii Baxsatay 2017
Batuulo waa gabar 18 jir garoob ah oo haysatana wiil 3 jir ah, waxaa soo korsaday ayeeydeed maadaama ay ay kasoo jeedo qoys sabool ah ayada iyo 11 kale oo walaaleheed ah. Batuulo markii ay 15 jirsatay ayaa ayeeydeed iyo aabeheed ku dareen nin aysan rabin oonan garanayn, “Wax aan oran karay ma jirin oo laygalama tashan noloshayda iyo mustaqbalkayga, uurka ayaan ka ooyay oon yeelay calafkaygu siduu noqday, markii aan noqday uur 6 bilood ah ayuu isoo furay, wuxuu ahaa mid ugaarsada gabdhaha yar-yar kaliya, mustaqbalkayga ayuu ku ciyaaray una guuray magaalo kale si-uu gabar kale mustaqbalkeeda ugu ciyaaro.
Ayeeydeey iyo aabahayba oo sabool ah ayuu nin fiican isaga dhigay maysan filayn inay sidaan igu dhacayso waayo xitaa muusan siin yarad iyo sooryadii uu ka balanqaaday, aabayna wuxuu noqday qof lagu qoslo”sidaas ayay tiri ayadoo dhoola cadaynayso.
Batuulo dib ayay ugu laabatay guriga ayeeyadeed halkaasoo ay ku dhashay wiilkeedakuna nooleed 3 sano ilaa iyo hada oo ay lasoo daristay xaalad adag.
“Adeerkay ayaa iigu yeeray fadhiga ayeeyo waxayna si wadajir ah iigu sheegeen in ugu danbayntii la ii helay nin iguursada, wuxuuna ii sheegay inuu yahay nin taajir ah waloow uu da’ yahay” iyada ayaa saas tiri. markii ay sheekadaas waday Batuulo fareheeda ayay laalaabaysay, waxaana ka muuqday, dulmanaan iyo gocosho, duubduub ka yar ee sankeedii ayaa u muuqday qof dhiban, kadib hadalka ayay sii wadatay Batuulo “arintaan oo kale iguma cusbayn lakin ballan ayaan horay ugu qaaday inaanan mardanbe yeelin sidii hore oo kale, waloow aan ogaa diidmadaydu inay waxkama soo qaad tahay hada waxaan difaacay naftayda anoo oranyo MAYA” Adeer iyo ayeeyo waxay taasi ku noqotay lama filaan maadaama ay layaab tahay in gabar da’deeda ah ay diidmo qayaxan ku tiraah waalidkeed arimahaan oo kale.
“Ayeeyo ayaa iigu hanjabtay inay i habaarayso hadii aan ku adkaysto diidmadayda, anna waxaan u sheegay Islaam ahaan in aabahay oo kaliya uu guurkayga xaq u leeyahay maadaama aan ogaa in aabahay isku ceebsaday oo uu waji gabax kala kulmay guurkaygii ugu hore taasna waxay iga caawisay in aabahay ila safto oo uu dhaho gabadha yaan laqasbin” Batuulo ayaa markii ay intaas tiri cirka eektay ayadoo dhex mushaaxayso xusuuso murugo leh aadna ka dareemayso dhibaatadii waayuhu badeen, hadalkii ayay sii wadatay
“aabahay saboolnimadiisa darteed ayaa go’aankiisii wax lagama soo qaadaan u noqday waayo adeerkay ayaa horay 2 neef oo geel ah sooryo ahaan uga qaatay odayga larabo in la-ii guuriyo waxayna ayeeyo ku adkaysatay maadaama ay isoo korsatay inaan go’aan keeda diidi karin oo aan noqdo xaaska 4aad ee odayga da’da ah!
Arooskii ayaa lasoo dadajiyay arinta iga yaabisayna waxay ahayn in la-ii sameeyay waardiye i-ilaaliyo si aanan u baxsan” Intaas markay tiri ayay safaleeti lasoo baxday oo wajiga iska marisay ayadoo gocanayso maalmihii murugada “maalintii arooska, kadib markii uu nikaaxu dhacay qofkasta mashquul ayuu noqday ana waxaan helay dariishad furan, sidaas ayaan ku noqday AROOSADII BAXSATAY, safar dheer kadib waxaan imid buulkii aabahay kadaganaa magaalada Muqdisho xilli saq-dhexe ah, waxaan dareemay xornimo una seexday habeenkaas sidii boqorad.
“Laakiin farxaddii Batuulo masii raagin maadaama adeerkeed uu qaatay 3 oo kale neef oo yarad ah uu dhuuntay, odaygii lagu darayna uu rabo inay Batuulo xaas u-noqoto ama xoolihiisii loo soo celiyo waayo wuxuu sheeganayaa inay tahay xaaskiisa sharciga ah Batuulo ayaa leh ïminka hooyaday ayaa igu cadaadinayso inaan dib u-noqdo oo aan aqbalo inaan ahaado xaas 4aad aabahayna markasta wuxuu i xusuusiyaa inuusan awoodin inuu dib ugu celiyo 5 neef oo geel ah maadaama adeerkay aan la ogayn meel uu jaan iyo cirib dhigay, waan baqayaa oo aad ayaan u wal-walsanahay, waxaan ka baqanayaa in waalidkay ay dayn ahaan ii baxshaan oo aan odayga saas xaas ugu noqdo, waan daalay oo mahayo tabar danbe oon ku dagaalamo, waxaan go’aansaday inaan iska joogo oon sugo qadarta” Batuulo ayaa intaas kusoo gunaanaday.
Comments
Post a Comment