Aroosadii Baxsatay 2017
Batuulo waa gabar 18 jir garoob ah oo haysatana wiil 3 jir ah, waxaa soo korsaday ayeeydeed maadaama ay ay kasoo jeedo qoys sabool ah ayada iyo 11 kale oo walaaleheed ah. Batuulo markii ay 15 jirsatay ayaa ayeeydeed iyo aabeheed ku dareen nin aysan rabin oonan garanayn, “Wax aan oran karay ma jirin oo laygalama tashan noloshayda iyo mustaqbalkayga, uurka ayaan ka ooyay oon yeelay calafkaygu siduu noqday, markii aan noqday uur 6 bilood ah ayuu isoo furay, wuxuu ahaa mid ugaarsada gabdhaha yar-yar kaliya, mustaqbalkayga ayuu ku ciyaaray una guuray magaalo kale si-uu gabar kale mustaqbalkeeda ugu ciyaaro. Ayeeydeey iyo aabahayba oo sabool ah ayuu nin fiican isaga dhigay maysan filayn inay sidaan igu dhacayso waayo xitaa muusan siin yarad iyo sooryadii uu ka balanqaaday, aabayna wuxuu noqday qof lagu qoslo”sidaas ayay tiri ayadoo dhoola cadaynayso. Batuulo dib ayay ugu laabatay guriga ayeeyadeed halkaasoo ay ku dhashay wiilkeedakuna nooleed 3 sano ilaa iyo hada oo ay lasoo darist...